Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Shirweynihii Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo Jibouti ka Furmay
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:336
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:79
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:673
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:297
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 01 2008
Shirweynihii Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo Jibouti ka Furmay
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 01 July 2008

Jabuuti,(insidesomalia.org)- Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxaa saaka ka bilowday Shirweynihii labaad ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, inkastoo shirkaasi aysan ka qeybgelin Xubno Isbaheysiga ka tirsan oo weli sii jooga Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

Saleebaan Colaad Rooble oo ka mid ah Guddiga Warfaafinta ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi ay ka qeybgaleen in ka badan 100 Xubnood.

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu intaas ku daray in Shirweynaha ka furmay Magaalada Djibouti ay xubnaha ka qeybgelaya ka doodi doonaan Islaamka iyo Siyaasadda, Qaab dhismeedka Bulshada Soomaaliyeed iyo qodobo kale, wuxuuse sheegay in ajendayaasha rasmiga ah ee shirka dib loo dhigay ilaa muddo todobaad ah, xiligaasi oo ay shirka ka soo qeybgeli doonaan Xubno 48 Xubnood gaaraya oo uu horkacayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kuwaasi oo haatan ku sugan Dalka Yemen.

48-ka Xubnood ee ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta ee uu hoggaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxay Yemen u tageen in ay ka qeybgalaan Wada hadallo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta ee is-khilaafay.

Haddaba iyadoo uu maanta Jibouti ka furmay Shirweyne ay leeyihiin Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa iyana shirweyne midkaas la mid ah qaban doona Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ku sugan Magaalada Asmara, kuwaasi oo uu shir guddoomiye u yahay Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, wuxuuna shirkaasi bilaaban doonaa 3-da bishan July.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >